Sacuudi Carabiya oo gurmad gaarsiisay Turkiga iyo Syria

0
262

Xarunta gargaarka baniaadannimo iyo samafalka ee boqor Salmaan ee Sacuudi Carabiya ayaa gargaar cunno iyo hooy u fidisay dadka ay saameeyaan dhacdooyinkii dhulgariirka ee dalalka Turkiga iyo Syria.
Waxaa sidatan ku warramaysa wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ee SPA.
Xarunta KSRelief ayaa magaalooyinka Koylu iyo Adana ee Turkiga gargaar cunno ugu qaybisay in ka badan 6,000 oo qof oo halkaasi ku barakacay.
Gudaha wadanka Syria waxaa 2,264 oo bustooyin ah iyo 2,264 oo joodari ah laga bixiyay magaalada Jindires ee gobolka Aleppo.
Syria waxaa uu dhulgariirka saameeyay ugu yaraan to 3,142 qof.