Hay’adda HRW oo baaq u dirtay madaxweynaha Tunisia

0
222

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied u soo jeedisay in maamulkiisa uu soo afjaro bartilmaameedsiga ka dhanka ah waaxda garsoorka.
Hay’adda ayaa sheegtay inay qasab tahay in dowladda Tunisia ay dib u howlgeliso dhammaan garsoorayaasha iyo dacwad oogayaasha si aan nidaam ahayn uu shaqada uga joojiyay madaxweynaha.
Sidoo kale waxay hay’addu xustay in loo baahan yahay in laga laabto dhammaan tallaabooyinka la qaaday ee lagu burburinaya madax bannaanida waaxda cadaaladda ee dalkaasi.
Warbixinta HRW ayaa ku soo aadaysa ka dib markii wasaaradda cadaaladda ee Tunisia ay diidday inay shaqooyinkoodi dib ugu soo celiso 49 garsoorayaal ah in kastoo maxkamad maamulka qaabilsan ay sidatan amartay.