Ku dhawaad 62 qof oo ay 14 ka mid ah carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Talyaaniga ka dib markii uu qallibmay markab ay saarnaayeen soo galooti iyo dad qaxooti ah.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay magaala xeebeedda Crotone ee gobolka Koonfureed ee Calabria.
Maamulka maxalliga ah ayaa sheegay in 80 qof ay ka badbaadeen musiibadan.
Hasa ahaate waxaa la sheegay in tiro u dhexeyso 180 ilaa 200 oo qof la rumeysan yahay inay ku safrayeen markab ka soo ambabaxayay dalka Turkiga, taasoo oo keentay walaac ah in in badan oo rakaab ah ay dhinteen ama la la’yahay.
Wararka ayaa sido kale sheegaya in markabka uu maalmo ka hor ka soo dhaqaaqday dalka Turkiga oo uuna siday dad soo galooti oo dhalasho ahaan ka soo jeedo waddamada Afghanistan, Iiraan iyo kuwo kale.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM yaa diiwaangelisay in ka badan 20,000 oo dhimasho iyo dhaawac ah inay ka dhaceen bartamaha badda Mediterranean-ka tan iyo sanadkii 2014-kii, oo ay ka mid yihiin 220 oo sanadkan la diiwaangeliyay.
Tani ayaa loo aqoonsaday in ay ka dhigan tahay waddada ugu khatarta badan ee soo galootiga ee adduunka.




