Waxaa maanta la soo gabagabeynayaa imtixaannada qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee loo yaqaano KCPE-da oo billoowday Isniintii.
Sanadkan waxaa imtixaanka sameyay arday tiro ahaan dhan 1,191,725
KCPE-da ayaa lagu sameynayaa 28,467 xarumood guud ahaan dalka.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in Jimcaha oo ay taariikhdu tahay 26-ka bishan uu billowdo imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo ay sanadkan u fariisanayaan 752,981 oo arday ah.
Imtixaanka KCSE-da waxaa lagu sameyn doona 10, 437 sida laga soo xigtay golaha imtixaanada qaran ee KNEC oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka.
Waa markii ugu horreysay oo imtixaannada qaran ee shahaaddiga ah ay ardayda sameynayaan bilooyin aan ahayn 10-aad iyo 11-aad sidii caadiga ahayd.
Isbeddelkan waxaa horseeday cudurka COVID-19 oo tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii hore carqaladeeyay habsami u socodka howlaha waxbarasho ee dalka.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in imtixaanka uu si habsami leh u socdo oo ilaa iyo haddan aan la soo tabin fal khiyaano ah oo shaki gelin karo natiijada.