In ka badan 59 qof oo ku dhintay doon ku qallibmatay Talyaaniga

0
263

Ugu yaraan 59 qof oo ay 12 ka mid ah carruur yihiin ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka Talyaaniga ka dib markii ay gaddoontay dooni ay saarnaayeen soo galooti iyo dad qaxooti ah.
Dhibaatadan ayaa laga soo tabiyay magaala xeebeedda Crotone ee gobolka Koonfureed ee Calabria.
In ka badan 100 qof oo kale ayaa la soo badbaadiyay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in doonta ay maalmo ka hor ka soo dhaqaaqday dalka Turkiga oo ayna sidday dad soo galooti oo dhalasho ahaan ka soo jeedo waddamada Afghanistan, Iiraan iyo kuwo kale.