Dibadbaxyo ka dhan ah hubka la siinaya Ukraine oo ka dhacay Jarmalka

0
337

Waxaa magaalooyinka Berlin iyo Paris oo ku kala yaalla waddamada Jarmalka iyo Faransiiska ka dhacay dibadbaxyo.
Mudaharaadyada ayaa ah kuwo lagu dalbanaya in nabad waarta lagu soo dabbaalo Ukraine.
Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale doonaya in reer galbeedka ay joojiyaan taageerada dhinaca hubka ee ay siinayaan dowladda Ukraine.
Sahra Wagenknecht oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee soo qabanqaabiyay dibadbaxyada ayaa sheegtay in dowladaha taageerada militari siinaya xukuumadda Kyiv ay muujinayaan sawir qaldan oo ah in dowladaasi aynan lahayn awood ay iskaga difaacdo duullaanka militari ee uu Ruushku ku hayo wadankaasi tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkii hore.