Dowladda Jordan ayaa lagu wadaa inay marti geliso wada hadallo nabadeed oo u dhexeya Israa’iil iyo Falastiin.
Waxaa madasha isugu imaanaya mas’uuliyiin matalaya labada dhinac.
Ujeeddada laga leeyahay barnaamijkan ayaa ah in xal waara loo helo rabshadaha ku soo noqnoqday Daanta Galbeed ee Falastiin.
Kulanka ayaa maanta ka qabsoomi doono magaala xeebeedda Aqaba ee aagga badda cas waxaana sidoo kale ka qayb galaya wufuudda waddamada Maraykanka iyo Masar.




