Toogasho ka dhacday Maraykanka oo lagu dilay wariye iyo gabadh yar

0
263

Waxaa lagu soo warramayaa in gelinkii dambe ee shalay gobolka Florida ee dalka Maraykanka lagu toogtay wariye u shaqeeyo taleefishin iyo gabadh sagaal sano jir ah.
Dilkan ayaa waxaa gaystay nin hubeysan oo sidoo kale gelinkii hore ee shalay haweeney ku dilay isla gobolkaasi, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.
Eedeysanaha dilka gaystay oo 19 sano jir ah ayaa si bareer ah u toogtay haweeney 20 jir ah abaare 11-kii barqanimo ee shalay ee saacadda wadanka Maraykanka.
Dilkan ayuu ka fuliyay aaga Pine Hills, ee duleedka galbeed ee magaalada Orlando ee bartamaha gobolka Florida.
Qiyaastii shan saacadood ka dib, waxa uu ku soo laabtay goobtii uu fal-dembiyeedka hore ka gaystay, isagoo toogtay wariye u shaqeeyo taleefishin iyo gabadh yar oo 9 sano jir ah.
Wariyaha oo aan wali la aqoonsan ayaa la sheegay inuu u dhintay dhaawaci soo gaaray.
Sidoo kale mid ka mid ah shaqaale taleefishin iyo hooyada dhashay gabadha 9 sano jirka ah ayaa ku dhaawacmay weerarka.
Eedeysanaha oo gacanta lagu dhigay ayaa hataan xabsiga ku jira.
Tani iyo billowgii sanadkan, waxaa gudaha Maraykanka laga diiwaangeliyay 84 toogasho wadareed ah.
Maraykanka ayaa waxaa ku badan toogasho wadareedka iyadoo sanadkii hore la diiwaangeliyay 647 oo dhacdooyinkan ah.