Dhulgariir saameeyay Tajikistan

0
237

Waxaa lagu soo warramayaa in dhacdooyin is xig-xigay oo dhulgariir ah ay saameeyeen gobol ka tirsan dalka Tajikistan ee xiga xadka wadankaasi uu la leeyahay Shiinaha.
Waaxda Maraykanka u qaabilsan baaritaannada dhulalka ee (USGS) ayaa cabbirka dhacdooyinkan ku sheegtay 6.8.
Dhulgariirka ayaa laga soo tabiyay meel 65 kiilomitir u jirta galbeedka magaalada Murghob oo u dhow gobolka Xinjiang ee Shiinaha.
Hasa ahaate ilaa iyo hadda lama hayo faahfaahin ku saabsan dad ku waxyeeloobay dhulgariirka.
Sida laga soo xigtay waaxda USGS waxaa 100-kii sano ee ugu dambeeyay aaggaasi ku dhuftay ugu yaraan 18 dhulgariir ah.
Sanadkii 2015, ayay ahayd markii dhulgariir cabbirkiisu lagu sheegay 7.2 uu saameeyay meel 105 kiilomitir u jirta galbeedka magaalada Murghob halkaasi oo ay ku dhinteen labo qof halka boqolaal guriyo ahna ay ku burbureen.