Bangladesh oo baaraysa dabkii saameeyay xerada qaxootiga Rohingya

0
653

Saraakiisha dowladda dalka Bangladeshi ayaa guda galay baaritaano ku aaddan dabkii xooggana ee ka kacay xero ay ku jiraan qaxootiga bulshada Rohingya.
Sida laga soo xigtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ugu yaraan 15 qof ayaa dhacdadaas ku nafwaayay.
400 qof oo kale ayaa la la’yahay halka ay dhaawacmeen 560.
Waxaa sidoo kale dabka ku barakacay 45,000 oo kale.
Xerada uu dabka qabsaday galinkii dambe ee shalay ayaa loo yaqaanaa Balukhali waxayna u dhowdahay magaalada ku taaalla Koonfurta bari ee Bangladesh ee Cox’s Bazar .
In ka badan oo ka mid ah qaxootiga ku jiray xeradan ayaa ka soo cararay howlgalladii militari ee sanadkii 2017-kii ay ciidamada Myanmar ka fuliyeen gobolka Rakhine.
Qaramada midoobay ayaa howlgalladaas ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan oo lagu bartilmaameedsaday bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya in kastoo Myanmar ay dhankeeda eeddan iska fogeysay.