Waxaa lagu soo warramayaa inay kulmeen madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo dibloomaasi sare oo matalaya dowladda Shiinaha ,Wang Yi .
Waxay mas’uuliyiintan hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay in dalalkooda ay is kaashadaan.
Wang oo Shiinaha u qaabilsan siyaasadda dibadda ayaa safarka uu ku tagay Moscow ku tilmaamay mid ay labada waddan dani ugu jirto.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo Maraykanka uu Shiinaha ku eedeyay inuu Ruushka siinaya hub si uu ugu adeegsado duullaanka militari ee uu weli ka wado Ukraine.
Hasa ahaate xukuumadda Beijing ayaa eedeyntaasi iska fogeysay.




