Madaxweynaha Shiinaha oo safar ku tagaya Ruushka

0
262

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa isku diyaarinaya safar uu ugu ambabaxaya wadanka Ruushka.
Majallada Wall Street Journal ee laga leeyahay Maraykanka ayaa sidatan ku warramaysa.
Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa magaalada Moscow kulan kula yeelan doono dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xukuumadda Beijing uu Maraykanka ku eedeynaya inay Ruushka garab ku siinayso duullaanka militari ee uu ku dhawaad hal sano ka wado gudaha Ukraine.
Dibloomaasi sare oo u dhashay Shiinaha oo lagu magacaabo Wang Yi ayaa hadda ku sugan Moscow wuxuuna qorshuhu yahay inuu maanta la kulmo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Sergey Lavrov .
Xi Jinping iyo Putin ayaa sanadkii hore si fool ka fool ah ugu kulmay Shiinaha.