Dhulgariir saameeyay Turkiga iyo Syria oo ay 6 qof ku dhinteen

0
224

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhacdooyin kale oo dhulgariir ah oo laga soo tabiyay gobolka Koonfureed ee dalka Turkiga ee Hatay iyo Waqooyiga Syria.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha Turkiga la xaqiijiyey inay ku dhinteen 6 qof.
Dhulgariirka oo uu cabbirkiisu ahaa 6.3 ayuu maamulka qaran ee maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ee Turkiga sheegay inay ku dhaawacmeen 294 qof.
6-dii bishan ayay ahayd markii dhacdooyin dhulgariir ah oo laga soo tabiyay Turkiga iyo Syria ay ku dhinteen ku dhawaad 47,000 oo ruux.