Howlaha samatabixinta ee Turkiga oo la soo afjaray

0
229

Madaxa waaxda qaran ee Turkiga u qaabilsan maareynta musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah ee (AFAD) Yunis Sezar ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay howlaha raadinta iyo samatabixinta ee ka socday gobollo badan.
Waxaa uu mas’uulkan hoosta ka xarriiqay in dhimashada ay kor u dhaaftay 40,642.
Tani ayaa imaanaysa ku dhawaad labo toddobaad ka dib dhul gariir saameeyay wadankaasi iyo Syria oo daris la ah.
6-dii bishan ayay ahayd markii dhul gariir cabbirkiisu yahay 7.8 uu ku dhuftay Koonfruta Bari ee Turkiga iyo Syria.
Waxaa dhacdooyinkaasi ku nafwaayay ugu yaraan 46,000 oo ruux.
In ka badan hal milyan oo kale ayaa hooy la’aan noqday iyadoo khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay dhulgariirka lagu sheegay ballaayiin doolar.