DHAGEYSO:Shacabka Madogo oo amni darro ka cabanaya

0
324

Dadweynaha ku nool degmada Madogo ee ismaamulka Tana River ee gobolka Xeebta ayaa cabasho ka muujinaya falal amni darro oo halkaasi ku soo noqnoqday.
Ganacsatada ayaa sheegaya inay jirto koox burcad ah oo bartilmaameedsata tani oo cabsi ku beertay.
Qaar ka mid ah shacabka Madogo oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.

Barasaabka ismaamulka Tana River, Dhadho Godhana ayaa dhankiisa dadweynaha ka codsaday inaynan laamaha ammaanka ka qarin dhacdooyinka saameynaya oo ay soo gudbiyaan warbixinnada fududeyn karo in la soo xiro kooxaha gaysanaya dhibaatooyinka.