Waxaa gacanta lagu dhigay kadibna maxkamadda deegaanka Kibera ee magaalada Nairobi la soo taagay 57 eedeysanayaal ah oo loo haysto in aynan raacin amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Maxkamadda ayaa shakhsiyaadkan ku amartay in ay toddobo cisho bulshada u adeegaan.
Inta ay qabanayaan howlaha nadaafadda waxaa dhaqdhaqaaqooda si dhow ula socon doono saraakiisha maamulka loo xilsaaray qaar ka mid ah adeegyada caasimadda dalka ee NMS.
Hal isbuuc gudihii ayaa laga doonaya in ay maalin kasta shaqeyaan laga billaabo 8-da subaxnimo ilaa 5-ta galabnimo.
Meelaha ay nadiifinayaan waxaa ka mid ah suuqa Muthurua.