Malaysia oo Turkiga iyo Syria ku caawinaysa 11.4 milyan oo doolar

0
309

Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa sheegay in xukuumadiisa ay uruurisay ilaa 11.4 milyan oo doolar.
Lacagtan ayaa lagu caawin doonaan waddamada Turkiga iyo Syria oo ay saameeyeen dhacdooyin dhulgariir ah.
Wakaaladda wararka ee Bernama ayaa ku warramaysa in dhaqaalahan loogu talagalay dadka ka badbaaday dhulgariirka.
Anwar Ibraahim ayaa arrinkan shaaciyay ka dib socdaal kooban oo uu ku tagay dalka Turkiga halkaasi oo uu kula kulmay dhigiisa wadankaasi Recep Tayyip Erdogan.
Ra’iisul wasaaraha Malaysia ayaa booqday meelaha uu sida wayn u saameeyay dhulgariirka sida magaalooyinka Nurdagi iyo Gaziantep.
Waxaa uu sheegay in ilaa 250 ka mid ah saraakiisha dalkiisa inay ku sugan yihiin gudaha Turkiga iyagoo ka qayb qaadanaya howlaha samatabixinta.
Bayaan ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu xusay in ra’iisul wasaaraha Malaysia uu ballan qaaday in toddobaadka soo socdo uu koox u diri doono wadanka Syria si ay kaalin uga qaataan howlaha dib u soo kabashada.