In ka badan 36,000 oo ku dhimatay dhulgariirkii Turkiga iyo Syria

0
260

In ka badan 36,000 oo qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhacdooyinkii dhulgariirka ee Isniintii toddobaadkii hore saameeyay waddamada dariska ah ee Turkiga iyo Syria.
Gudaha Turkiga, dhimashada waxay kor u dhaaftay 31,643 halka Syria ay ku dhinteen in ka badan 4,500 oo qof.
Waxaa dhanka kale weli socdo howlaha samata bixinta.
Madaxa arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ayaa sheegay in duniduna ay ilaa hadda ku guuldareysatay in gargaar ay la soo gaarto dadka ku nool waqooyi galbeed ee dalka Syria.
Waxaa uu xusay in dadka halkaasi ku nool ay dareemayaan in la dayacay.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 5.3 milyan oo qof oo ku nool wadanka Syria laga yaabo in ay hooy la’aan noqdaan ka dib dhulgariirradii halkaasi saameeyay.
Sidoo kale ku dhawaad 900,000 oo qof ayaa u baahan cunto degdeg ah kuwaas oo jooga gudaha Turkiga iyo Syria.