Dowladda Turkiga oo amartay in la xiro 113 eedeysanayaal ah

0
223

Dowladda Turkiga ayaa amartay in xabsiga loo taxaabo 113 eedeysanayaal ah .
Xukuumadda Ankara ayaa baaritaano qoto dheer ku sameynaysa cid waliba oo dusha laga saari karo dayacaad mas’uuliyadeed oo looga hor tagi karay dhismooyin halkaasi ku dumay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga Fuat Oktay ayaa sheegay in la aqoonsaday tuhmanayaasha la doonaya in la soo xiro.
Dhulgariirkii Isniintii ku dhuftay Turkiga ee saameeyay ilaa 10 gobol ayaa waxaa ku burburay kumanaan guriyo ah.