Burcad in ka badan 10 sarkaal ku dishay Niger

0
200

Wasaaradda difaaca ee dalka Niger ayaa sheegtay inay xaqiijisay in ugu yaraan 10 ka mid ah ciidamada qalabka sida ee wadankaasi lagu dilay weerar shalay dhacay.
Weerarka oo lagu tilmaamay mid gaadmo ahaa ayaa waxaa fuliyay koox ay wasaaraddu ku sheegtay argagixiso hubeysan.
Falkan ayaa ka dhacay Koonfurta Galbeed ee Niger gaar ahaan meel u dhow xadka wadankaasi uu la wadaago Mali.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku xusan in khasaaraha nafeed uu sii kordhi karo maadaama weli la la’yahay 16 qof.
Weerarka waxaa kale oo ku dhaawacmay 13 saraakiil militari ah waxaana si kulul u cambaareysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska oo sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay shacabka iyo maamullada Niger.