Madaxa qaramada midoobay oo ka hadlay xaaladda Turkiga iyo Syria

0
254

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay lacago dheeraad ah ugu deeqdo dowladaha Turkiga iyo Syria oo la daala -dhacaya saameynta dhulgariirkii ku dhuftay.
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in la ballaariyo helidda gargaarka baniaadannimo.
Guterres ayaa hadalkan jeediyay saacado un ka dib markii kolonyadii ugu horreeyay ee qaramada midoobay ee gargaar siday oo ka yimid Turkiga ay gaareen Syria .