In ka badan 15,000 oo ku dhimatay dhulgariirka Turkiga iyo Syria

0
244

Dhimashada ka dhalatay dhacdooyinkii dhulgariirka ee Isniintii saameeyay waddamada dariska ah ee Turkiga iyo Syria ayaa kor u dhaaftay 15,000 oo qof.
Ugu yaraan 12,391 oo dadkan ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen gudaha Turkiga halka in ka badan 2,992 oo kale ay ku dhinteen Syria.
Waxaa weli socdo dadaallada gurmadka iyo samatabixinta oo ay ka qayb qaadanayaan ilaa 70 waddan.
Urur u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ee dalka Syria oo loo yaqaano White Helmets ayaa sheegay in boqolaal qof ay weli ku hoos xanniban yihiin burburka.