Pope Francis oo ku baaqay in la caawiyo dhibbanayaasha dhul gariirka

0
338

Baadariga guud ee kaniisadaha Katholigga ,Pope Francis ayaa ku baaqay in caawimaad loo fidiyo waddamada Syria iyo Turkiga ee uu saameeyay dhul gariirka.
Gudaha Syria waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen ugu yaraan 2,530 tani oo tirada guud ee dhimashada laga diiwaan geliyay labada dal ka dhigaysa in ka badan 9,600.
Pope Francis oo tacsi u diray qoysaska eheladooda ku waayay musiibooyinkan ayaa dhanka kale beesha caalamka ka codsaday inay sii wado taageerada samatabixinta iyo dadaallada dib u soo kabashada.
Waxaa uu baadariga u mahadceliyay cid kasta oo caawimaad fidinaysa isagoo qof kasta ku boorriyay inuu garab istaag u muujiyo dalalkaasi.
Arrintan ayuu ku sheegay gabagabada khudbad toddobaadla ah oo uu ka jeediyay magaalada Vatican ee dalka Talyaaniga.