Dowladda dalka Shiinaha ayaa sheegtay inay gargaar dhan 4.4 milyan oo doolar gaarsiin doonto wadanka Syria oo uu dhul gariir xooggan saameeyay.
Waxaa gargaarkan baniaadannimo ka hadlay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo shir jaraa’id qabatay.
Mao ayaa xustay in 2 milyan oo doolar oo lacagtan ka mid ah lagu bixin doono qaab caddaan ah iyo in lagu soo iibiyo gurmadka degdegga ee loo baahan yahay.




