Khasaaraha ka dhashay dhul gariirkii Syria iyo Turkiga oo sii kordhay

0
229

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhacdooyinkii dhul gariirka ahaa ee saameeyay waddamada dariska ah ee Syria iyo Turkiga.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhinteen ugu yaraan 5,021 qof.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Turkiga Fuat Oktay ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay ka sheegay in tirada dhimashada ay ku korortay ugu yaraan 3,419.
Waxaa uu intaasi ku daray in ugu yaraan 20,534 ruux ay wadankaasi ku dhaawacmeen.
Gudaha Turkiga waxaa ilaa iyo hadda la soo tabiyay inay burbureen 11,000 oo guriyo ah.
Waxaa sidatan sheegay sarkaal ka tirsan waaxda maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga Orhan Tatar.
Mas’uulkan ayaa xusay in ku dhawaad 25,000 oo saraakiisha ka falceliya xaaladaha degdegga ah ay hadda ka shaqeynayaan aagga uu dhul gariirka saameeyay.
Gudaha Syria, macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in dhaawaca uu yahay ugu yaraan3,649 qof .