In ka badan 4,000 oo ku dhimatay dhul gariir saameeyay Syria iyo Turkiga

0
314

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 4,000 oo qof ay ku dhinteen dhacdooyin dhul gariir ah oo shalay saameeyay waddamada Syria iyo Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga ,Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay toddobo cishe oo baroordiiq qaran ah.
Dowladda Syria ayaa dhankeeda qaramada midoobay ka codsatay taageero ka dib dhul gariirka xooggan ee ku dhuftay Koonfurta Bari ee wadankaasi.
Yunus Sezer, oo ah madaxa waaxda maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga ee (AFAD) ayaa tirada dhimashada ku sheegay 2,921 halka 15,834 kale ay dhaawacmeen.
Gudaha Syria, waxaa ku dhintay ugu yaraan 1,300 qof waxaana weli labada dal ka socdo howlaha samatabixinta.