Xisbiga ANC oo sameeynaya olole qaran oo uu ku xoojinaya awooddiisa siyaasadeed

0
608

Xisbiga ANC ayaa sheegay in uu guud ahaan dalka ka billaabi doono olole lagu doonayo in la kordhiyo xubnaha xisbiga.
Howshan ayaa billaaban doonto bisha Afaraad ee sanadkan.
Senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala oo ka mid ah siyaasiyiinta ANC ayaa xusay in ay ku dadaalayaan sidii loo ballaarin lahaa taageerada uu xisbigu ku leeyahay deegaannada kala duwan ee Kenya.
Waxaa uu intaa ku daray in ay isbeddel weyn ku sameyn doonaan xisbiga si Musalia Mudavadi ay sanadka 2022-ka ugu suurtagasho inuu ku guulaysto xilka madaxtinimo.