Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in xaaladda ka taagan bariga wadankaasi gaar ahaan furimaha hore ee dagaalka ay tahay mid sii adkaanaysa.
Waxaa uu xusay in dowladda Ruushka ay halkaasi geeynaysa ciidamo dheeraad ah si ay u burburiyaan kuwa Ukraine.
Tani ayaa ku soo beegmaysa hal maalin ka dib markii duqeyn laga fuliyay gobolka bari ee Donetsk.
Sidoo kale shil ka dhacay gobolka koonfureed ee Odesa ayaa koronto la’aan dhigay ku dhawaad 500,000 qoysas ah.




