Mama Ngina Kenyatta oo ah hooyada madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka la faafiyay ee ah in qoyskeeda laga cafiyay bixinta canshuuraha.
Waxay carrabka ku dhufatay in tani ay tahay arrin siyaasadeysan oo looga gol-leeyahay in lagu dhaawaco sumcadda qoyska madaxweynihii koowaad ee Kenya Mzee Jomo Kenyatta.
Mama Ngina ayaa intaasi ku dartay in bixinta canshuuraha ay qasab ku tahay qof waliba oo uu dakhli soo galo sidaas awgeedna aynan ahayn arrin la door bidi karo.
Waxay ku baaqday in haddii ay xaqiiq tahay in aysan canshuurta bixin in lagala wareego hantideeda.




