Dowladda oo sheegtay inuu weli shaqeynaya go’aankii abaarta loogu aqoonsaday musiibo qaran

0
237

Wasiirka wasaaradda jaaliyadda bariga Afrika ee EAC iyo arrimaha deegaannada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALs Rebecca Miano, ayaa sheegtay inuu weli shaqeynaya go’aan ay dowladda dhexe bishii Sagalaad ee sanadkii 2021-kii ay abaarta jirta ugu aqoonsatay musiibo qaran.
Waxay carrabka ku adkeysay in la laba jibbaaray dadaallada looga falcelinaya saameynta abaarta.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii dhawaan madaxda laga soo doortay deegaannada xoolo dhaqatada oo uu hor kacayay senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ay ku baaqeen in maamulka Kenya Kwanza uu abaarta u aqoonsado musiibo qaran si loo helo falcelin u dhiganta baahida jirta.
Saameynta abaarta ayaa waxaa laga dareemaya ilaa 23 ka mid ah dowlad deegaannada wadanka.
Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa warbixintiisi ugu dambeysay ku sheegay in ilaa 5.5 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar baniaadannimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here