Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Isbeheysiga Azimio oo dhaliilay qorshaha lagu yareeyay ilaalada madaxweynihii hore ee dalka

Isbeheysiga Azimio oo dhaliilay qorshaha lagu yareeyay ilaalada madaxweynihii hore ee dalka

Afhayeenka isbeheysiga Azimio , Prof. Makau Mutua ayaa dhaliilay qorshaha lagu yareeyay ilaalada hoggaamiyihii hore ee wadanka .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii ay dhibaato soo gaarto Uhuru ay taasi mas’uuliyadeeda qaadanayaan hoggaamiyaasha ugu sarreeya wadanka.
Waxaa sidoo kale arrintan ka hadashay madaxa xisbiga Narc Kenya , Martha Karua.
Maamulka madaxweyne William Ruto ayay ku eedeysay inuu dib uga laabanaya horumarro dhanka dastuurka ah oo lagu tallaabsaday.
Karua ayaa nasiib darro ku tilmaantay tallaabada ay dowladdu qaaday ee uu xaqiijiyay taliyaha guud ee booliiska.
Waxay sheegtay in adeegga qaran ee booliiska ee (NPS ee uu hoggaamiyo Japhet Koome uu hadda u muuqdo mid u nugul cadaadiska dowladda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo abaanduulaha booliiska uu cadeeyay in tallaabada la qaaday aynan ahayn mid siyaasadeysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments