Dab saaka ka kacay isbitaalka Pumwani

0
190

Waxaa uu abaare 3:30 daqiiqo ee aroornimo ee maanta uu dab qabsaday qayb ka mid ah isbitaalka umusha ee Pumwani ee ismaamulka Nairobi.
Bayaan ka soo baxay dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa dhacdadan lagu xaqiijiyay in kastoo aynan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay dabka.
Wasiiradda caafimaadka ee Nairobi ,Anastacia Nyalita ayaa sheegtay in dabka ay markii dambe damiyeen saraakiisha waaxda dab damiska ee caasimadda wadanka iyo kooxaha samatabixinta oo goobta yimid.
Ms Nyalita ayaa intaasi ku dartay in koox matalaysa dowladda ismaamulka oo kaashanaysa ciidamada booliiska ay hadda qiimeyn ku sameynayaan baaxadda burburka uu sababay dabka.
Howlaha caadiga ee xarunta caafimaad ayaa dib u billowday abaare 5-tii aroornimo ee maanta.
Waxaa dhanka kale socdo baaritaano lagu xaqiijinaya waxa keenay in xilligaasi uu dab ka kaco isbitaalka Pumwani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here