47 qof oo Isniinta lagu maxkamadeynaya Hong Kong

0
225

Waxaa uu qorshuhu yahay in Isniinta soo socoto maxkamad ku taalla Hong Kong la soo taago 47 qof oo eedeysanayaal ah.
Dadkan oo isugu jiro siyaasiyiin iyo kuwo u ololeeya dimuqraadiyadda ayaa loo haystaa inay sanadkii 2020-kii ku kaceen hagardaamo.
Waaxda dacwad oogidda ee Hong Kong ayaa sheegtay in eedeysanayaasha ay xiiligaasi qorsheeyeen codeyn aan rasmi ahayn maalmo un ka dib markii jamhuuriyadaasi laga dhaqangeliyay xeerar amni oo cusub.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la filaya in 16 qof oo dadkan ka mid ah ay iska fogeeyaan eedeymaha loo soo jeediyay.