Wasiirka arrimaha gudaha ee jamhuuriyadda Somaliland Maxamad Kaahin Axmad ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay soo galeen ururro laga shakisan yahay, tani iyo markii isimada halkaasi isugu yimaadeen.
Waxaa uu sheegay in ururradaasi ee magaalada Laascaanood kawadaan rabshado iyo fowdo.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa isimada magaaladaasi ugu baaqay inay xasiloonida iyo nabadda ka shaqeeyaan islamarkaana ay ka fiirsadaan wax kala gaynaya ama dhibaato u horseedi kara.
Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in calanka Soomaaliya oo lagu dhex wato magaalada Laascanood la doonaya in looga careysiiyo Somaliland