Dhow qof oo loo xiray weerarkii dadka badan ku dhinteen ee masjid ku yaalla Pakistan

0
208

Ciidamada booliiska dalka Pakistan ayaa billaabay baaritaanno la xiriira weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, kaas oo lala eegtay masjid ku yaalla magaalada Peshawar ee waqooyi galbeed ee dalka Pakistan.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in dhowr qof oo lala xiriirinaya weerarkan la xiray.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha ammaanka ay meesha ka saarin suurtagalnimada ah in qofka is qarxiyay uu garab ka helay ilaalada masaajidkaasi.
Qaraxan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee muddo toban sano ah oo ka dhaca magaalada Peshawar ee waqooyi galbeed ee dalka Pakistan.
Dhammaan dadka dhintay marka laga reebo saddex qof, waxay ahaayeen saraakiil booliis ah.
Tani ayaa ka dhigan in dhibaatada ugu badan ee soo gaartay ciidamada booliiska ee wadanka Pakistan.
Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Pakistan Khawaja Asif ayaa sheegay in qofka is qarxiyay uu ku jiray safka koowaad ee masjidka lagu tukanayay markii uu weerarka dhacayay.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in baaritaannada socda lagu ogaan doono sababta ka dambeysa in masjid aad ammaankiisa loo ilaaliyo qarax lala galo.
Masjidka la weerarray ayaa waxaa ku tukan jiray ciidamada booliiska, islamarkaana ay ka ag dhow yihiin guriyo ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan.
Weerarkan ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada dalkaasi.
Waxaa dalka Pakistan u badan muslimiinta Sunniga ah, halka Shiicada ee laga tirada badan yahay ee dalkaasi ay la kulmaaan weerarro isdaba joog ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here