Howlwadeenada caafimaadka ee dalka Myanmar ayaa maanta dibadbaxyo ka sameeyay magaalada Mandalay iyaga oo muujinaya sida ay kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee wadankaas ka dhacay 1-dii bishii hore.
Muuqaal aroornimadii hore ee maanta la soo geliyay barta wararka ee Mizzima ayaa laga dhex arkayaa boqolaal qof oo badankoodu ku labisan yihiin dareeska dhakhaatiirta oo waddooyinka maraya.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo koox u ololeysa xuquuqda maxaabiista siyaasadeed ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay ilaa iyo hadda dileen ugu yaraan 248 qof.
Tirada dhimasho ayaa sii korortay ka dib markii maanta saraakiisha ammaanka ay magaalada Monywa ku toogteen ugu yaraan hal qof xilli dibadbaxayaasha ay doonayeen in ay waddooyinka xiraan.