Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 25 qof oo ku dhimatay masjid lagu qarxiyay Pakistan

25 qof oo ku dhimatay masjid lagu qarxiyay Pakistan

Waxaa duhurnimada maanta qarax ismiidaamin ah oo aad xooggan lala eegtay masjid dad ay ku tukanayeen, kaasoo ku yaalla magaalada Peshawar ee waqooyi galbeed ee dalka Pakistan.
Sarkaal ka tirsan booliiska deegaanka oo lagu magacaabo Sikandar Khan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in qaraxa uu dhacay xilli ay dadka waxyeelladu soo gaartay ay oogayeen saaladdii duhur ee maanta.
Waxaa uu intaasi ku daray in qayb ka mid ah dhismaha masjidka ay soo duntay, iyadoo la rumeysan yahay in dhowr qof ay ku hoos jiraan dhismaha hoostiisa.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada ugu yaraan 25 qof oo ku cibaadeysanayay masjidka halka 140 ruux ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Maxamad Asim, oo ah afhayeenka isbitaalka Lady Reading ee magaalada Peshawar, ayaa sheegay in ay qaabileen 90 qof oo dhaawac ah, kuwaas oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.
Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa gaaray goobta, iyadoona haatan dhakhaatiirta ay ku dadaalayaan sidii ay dhaawacyada faraha badan ugu qaadi lahaayeen goobaha qalliinka.
Sarkaal lagu magacaabo Meena Gul kana tirsan ciidamada booliiska dalka Pakistan ayaa sheegay inuu ku sugnaa gudaha masjidka markii uu qaraxa dhacayay.
Waxaa uu xusay in qarax masjidka lala beegsaday uu isaga ka badbaaday.
Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in markii uu qarax dhacayay in ka badan 150 qof ay masjidka ku sugnaayeen.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, balse kooxda isku magacawda dowladda Islaamka iyo ururka Taalibaan ee Pakistan ayaa weerarro noocan oo kale ah ka gaystay gobolkaasi oo ku yaalla meel u dhow xuduudka dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan.
Waxaa falkan cambaareeyay ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka Pakistan Imran Khan.
Bishii saddexaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii qarax lala eegtay masjid ku yaalla Peshawar ee dalka Pakistan ay ku dhinteen 64 qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments