Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo doonaya in beesha caalamka ay baarto keydka IEBC

DHAGEYSO:Raila Odinga oo doonaya in beesha caalamka ay baarto keydka IEBC

Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo shalay isku soo bax siyaasadeed ku qabtay fagaaraha Jacaranda ee deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi ayaa beesha caalamka gaar ahaan qaramada Midoobay iyo dalladda waddamada barwaaqa-sooranka ee Commonwealth ka dalbaday inay Kenya u soo diraan koox madax bannaan oo baaritaano ku sameysa keydka hannaanka doorashada ee guddiga IEBC si loo hubiyo wixii dhacay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Waxaa uu sheegay in haddii labo toddobaad gudahooda aan sidan la sameyn kenyaanka ay tallaabo qaadi doonaan.
Raila ayaa dhanka kale sheegay in siyaasiyiinta Azimio aan marnaba laga hor istaagi doonin u ololeynta caddaaladda iyo maamul wanaagga.
Waxaa uu sidoo kale ku andacoonaya in saraakiisha IEBC ay ugu tageen hooygiisa oo uu xita hayo sawirro taasi caddeynaya.
Waxaa uu dhanka kale dhaliilay qorshaha ay waaxda dambi baarista wadanka ee DCI ay ku baarayso eedeymo ah in isbeddel lagu sameeyay foomamka 34B ee deegaan baarlamaneedyada ee loo adeegsaday in lagu dhawaaqo natiijadii xilka madaxtinnimo.

Isbeheysiga Azimio oo Isniintii hore isku soo bax siyaasadeed ku qabtay fagaaraha Kamukunji, shalayna ku sugnaa Jacaranda ayaa toddobaadka dambe kulan ku qaban doono deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments