Ugu yaraan 50 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib shilal laga soo tabiyay wadanka Pakistan.
41 qof oo dadkan ka mid ah ayaa maanta ku dhintay bas buundo ka dhacay halka 10 kale oo carruur ah ay doon kula qallibmatay gobolka Khyber Pakhtunkhwa .
Mas’uul maamul oo sare laguna magacaabo Hamza Anjum ayaa sheegay in sidoo kale uu jiro dhaawac saddex ruux ah.
Baska shilka galay ayaa siday 48 qof oo rakaab ah.
Dhanka kale waxaa la la’yahay 9 qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doonta iyadoo ay socdaan howlaha samatabixinta.
Doonta ayaa siday 25 ilaa 30 arday ah oo safar gaaban ka soo laabtay.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen shil gaadiid oo ka dhacay gobolka Sehwan ee dalka Pakistan.