Ruushka oo sheegay in 14 qof lagu dilay Ukraine

0
233

Dowladda Ruushka ayaa ciidamada militariga ee dalka Ukraine ku eedeysay inay bartilmaameedsadeen xarun caafimaad oo ku taalla bariga Ukraine.
Xukuumadda Moscow ayaa ku andacoonaysa in 14 qof halkaasi lagu dilay.
Dhacdadaasi oo ay ku dhaawacmeen 24 qof oo isugu jiro bukaan iyo shaqaale caafimaad ayay dowladda Ruushka ku tilmaantay fal dambiyeed.
Hasa ahaate dowladda Ukraine ayaan durbaba ka jawaabin eedeynta uga timid Ruushka oo duullaan militari weli ku haya.