Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Israa’iil oo weerarro ka fulisay Qaza

Israa’iil oo weerarro ka fulisay Qaza

Diyaaradaha dagaalka ee maamulka Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay duqeymo dhanka cirka ah ka gaysteen marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Weerarradan ayay Israa’iil sheegtay inay kaga falcelisay gantaallo laga soo rido dhanka Falastiin.
Ilo wareedyo maxalli ah oo ku sugan Qaza ayaa warbaahinta Aljazeera u sheegay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen xerada qaxootiga ee Al-Maghazi oo ku taalla bartamaha dhulka Qaza.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in subaxnimadii hore ee maanta dhulkaasi lala beegsaday 13 weerar.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay labo gantaal ku dhufteen xarumo muhiim oo ku yaalla Qaza.
Hasa ahaate weli lama soo tabin khasaare nafeed oo ka dhashay weerarka ugu dambeeyay.
Shalay ayay ahayd markii ay Israa’iil ay dishay 9 qof oo Falastiini ah, xilli ay weerar ku qaadday xarun qaxooti  oo ku taalla magaalada Jenin ee waqooyiga daanta galbeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments