Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo la kulmay madaxweynaha dalka Eritrea

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo la kulmay madaxweynaha dalka Eritrea

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka Sergei Lavrov ayaa magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea kula kulmay madaxweynaha wadankaasi Isaias Afwerki.
Labada mas’uul ayaa kawada hadlay, sidii kor loogu qaado taageerada caalamiga ah ee dullaanka Ruushka uu ku qaaday wadanka dariska la ah ee Ukraine.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dowladda Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in sidoo kale labada mas’uul ay wadahadalladooda diiradda ku saareen kor u qaadista xiriirka laba geesoodka ah ee labada waddan sida, tamarta, macdanta, tignoolajiyadda macluumaadka, waxbarashada iyo caafimaadka
Booqashadan Lavrov ee dalka Eritrea ayaa timid ka dib markii uu dhawaan sidoo kale tegay wadanka Koonfur Afrika.
Ruushka ayaa xulafo la ah dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika, kuwaas oo mowqif dhexdhexaad ah ka qaatay duullaanka Moscow ee Ukraine.
Dhanka kale, wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka hor inta uusan tegin waddamada Eritrea iyo Koonfur Afrika, waxa uu soo maray dalalka Angola iyo Eswatini.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments