Ciidamada Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay dileen 9 qof oo Falastiini ah, xilli ay weerar ku qaadeen xarun qaxooti ah oo ku taalla magaalada Jenin ee waqooyiga daanta galbeed.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in 20 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen rasaas noolnool oo ay ciidamada israa’iil ku rideen xerada qaxootiga ee Jenin.
Maamulka dowladda Falastiiniyiinta ay weerarkan ku tilmaamay xasuuq.
Haweeney da’ ah ayaa lagu soo warramayaa inay ka mid tahay dadka dhintay, sida ay sheegeen saraakiisha Falastiiniyiinta.
Afar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda liidataa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Israa’iil ay hadda isaga baxeen magaalada Jenin.