Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamada milatariga Somaliland oo isaga baxay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Ciidamada milatariga Somaliland oo isaga baxay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay deegaankaasi ay isaga baxeen ciidamadii Maamulka Somaliland gaar ahaan kuwa Milatariga ee ku sugnaa.
Dadka deegaanka Yubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in ciidamadii Milatariga Somaliland ay isaga tageen deegaanka, islamarkaana ay faarujiyeen Saldhigyada iyo fariisimihii ay ku lahaayeen.
Wararka ayaa intaasi daraya in ciidamada oo watay gaadiidka nooca dagaalka ay ku wajahan yihiin magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana la sheegay in Ciidamadan ay ku biirayaan kuwa fadhiya nawaaxiga Laascaanood oo lagu xoojinayo.
Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo beegmay xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda magaalada Laascaanood ka furmo Shirka wadatashi ah oo ay yeelan doonaan Waxgaradka iyo dadka deegaanka Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.
Laascaanood ayaa waxaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhaceen bannaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka deegaanka magaaladaasi oo ka soo horjeeday Somaliland, waxaana bannaanbaxyada oo xoogeystay sababeen in dagaal uu ka dhaco magaalada, islamarkaana halkaasi ay isaga baxeen ciidamadii Somaliland ee joogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments