Dibadbaxyo ka dhan ah Netanyahu oo ka dhacay Israa’iil

0
421

Kumanaan qof oo ka mid ah shacabka Israa’iil ayaa ka qayb qaatay dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Waxay mudaharaadyada ku soo aadayan maalmo ka hor inta aan la qaban doorashada guud ee Israa’iil.
Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in waddooyinka ay isugu soo baxeen 20,000 oo dibadbaxayaal ah.
Tiradan ayaa lagu sheegay midii ugu badneyd ee hal maalin ah ka soo horjeesatay xukuumadda Netanyahu.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa wajahaya eedeymo la xiriira laaluush qaadasho , khiyaano iyo kalsooni lumin wuxuuna iska fogeeyay dhammaan waxyaabahan.