Duullaanka Ruushka ee Ukraine oo galay maalinkii 366

0
344

Waxaa ilaa iyo hadda 366 cisho ka soo wareegatay duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka 24-kii bishii labaad ee sanadkan ku qaaday Ukraine.
Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa ogolaaday in dowladdiisa ay Ukraine siiso taangiyada dagaalka, ka dib toddobaadyo cadaadis lagu saaray Berlin in Kyiv ay siiso hub culus oo ay isaga difaaceyso duullaanka uu Ruushka ku soo qaaday dalkeeda.
Go’aanka Jarmalka ayaa lagu soo warramayaa inuu yimid ka dib markii dowladda Maraykanka la sheegay inay diyaar u tahay inay billowdo hannaan ay ugu dambeyntii Ukraine ugu direyso daraasiin taangiyada dagaalka ah.