Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 200 oo carruur qaxooti ah oo ku sugnaa maqaaxi ay maamusho dowladda...

200 oo carruur qaxooti ah oo ku sugnaa maqaaxi ay maamusho dowladda UK oo la waayay

Mid ka mid ah wasiirrada boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegay in 200 oo carruur ah oo ka mid ahaa dadka nabadgelyo doonka ah oo lagu hayay maqaaxiyo ay maamusho wasaaradda arrimaha gudaha ee UK ayaa lagu soo warramayaa in la waayay.
Tani ayaa timid ka dib markii baaritaan la sameeyay ay soo baxday in carruurta la kaxeeyay oo baabur la saaray.
Wasiirka arrimaha gudaha ee boqortooyada Ingiriiska Simon Murray ayaa sheegay in carruurta maqan ay ku jiraan hal gabadh iyo ugu yaraan 13 carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 16 sano.
Waxaa uu intaasi ku daray 176 ka mid ah carruurta maqan ay asal ahaan ka soo jeedaan dalka Albania.
Carruurta ayaa ilaa iyo hadda aan meel lagu ogeyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments