Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo la kulmay dhigiisa Faransiiska

Madaxweynaha dalka oo la kulmay dhigiisa Faransiiska

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee Elysee ee magaalada Paris caasimadda wadanka Faransiiska kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Emmanuel Macron.
Waxaa uu Ruto sheegay in xiriirka ka dhexeya labada dhinac uu yahay mid ku qotomo dan wadaag dhinaca ganacsiga , tamarta , caafimaadka, kaabayaasha, biyaha , beeraha iyo waaxyo kale ah.
William Ruto ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Faransiiska wada hadal ka dib ku heshiiyeen ballaarinta iyo sare u qaadidda fursadaha ganacsi iyo mashaariicda horumarineed ee ka dhexeya.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale isku afgartay inay ka wada shaqeeyaan amniga iyo nabadgalyada gobolka bariga Afrika.
Ruto iyo Macron ayaa qiray in Kenya iyo Faransiiska ay wadagaan xiriir wanaagsan oo soo jireen ah oo sii xoogeysanaya.
Madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale kulan dooceed la yeeshay wakiillo sar sare oo matalaya jaaliyadaha ganacsiga ee dalka Faransiiska isagoo ku boorriyay inay wadanka maalgashi ka sameeyaan.
Habeen ka hor ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka u ambabaxay safar dibadeed oo la qorsheeyay inuu qaato saddex cisho sida uu xaqiijiyay afhayeenka madaxtooyada wadanka ee State House Xuseen Maxamad.
Madaxweyne William Ruto ayaa u sii gudbi doono magaalada Dakar ee caasimadda dalka Senegal.
Waxaa uu khudbad ka jeedin doonaa shirweynaha loogu magacdaray Dakar 2 Summit ee ku saabsan cunnada Afrika , gobonnimada iyo adkeysiga.
Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay bangiga horumarinta Afrika waxaa uuna ku soo aadaya xilli qaaradda Afrika ay wajahayso caqabad culus oo dhanka helidda cunnada ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments