Waxaa saacado ka hor geeriyooday wasiirkii hore ee wasaaradda tacliinta dalkani Kenya Prof. George Albert Omore Magoha.
Bayaan uu soo saaray maamulka isbitaalka Nairobi Hospital ee ku yaalla caasimadda wadanka ayaa lagu sheegay in Magoha uu wadnaha istaagay kadibna nafwaayay.
Madaxa fulinta ee isbitaalka Nairobi Hospital James Nyamongo ayaa qoraalka ku sheegay inay dadweynaha si murugo leh ula wadaagayaan geerida wasiirkii hore ee waxbarashada.
Bayaanka waxaa qayb ka ah in Magoha uu sara joogga ka dhacay isagoo gurigiisa ku sugan ka dibna isbitaalka loola cararay oo uu halkaasi ku geeriyooday.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Magoha uu la xanuunsanaa dhiig kar iyo xaalado caafimaad oo kale maantana uu sii darsaday.
Geerida wasiirkii hore ee waxbarashada ee wadanka ayaa ku soo aadday xilli uu isku diyaarinayay inuu ka qayb galo aaska walaalkii oo geeriyooday.
Prof. Richard Alex Nyabera Magoha ayaa 6-dii bishii Diseembar ee sanadkii hore ku geeriyooday Maraykanka waxaa uuna qorshuhu yahay in 28-ka bishan lagu aaso Yala oo ka tirsan ismaamulka Siaya.
Prof. George Magoha ayaa dhawaan ku biiray jaamacadda Maseno University si uu uga mid noqdo barayaasha culuunta caafimaadka gaar ahaan dhanka qallinka.
Ka hor inta uunan noqon wasiirkii waxbarashada waxaa uu 2016-kii ilaa 2019-kii madax ka ahaa golaha imtixaannada qaran ee KNEC.
Intaasi ka hor waxaa uu laga billaabo sanadkii 2005 ilaa 2015-kii ahaa maamule ku xigeenka jaamacadda University of Nairobi.
Prof. George Magoha oo dhashay sanadkii 1952-dii ayaa geeriyooday isagoo 71 sano jir ah.