DHAGEYSO:Shirka culimada Soomaaliyeed oo laga sheegay in midnimo uu umadda u horseedayo

0
371

Iyadoo shalay uu magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka furmay shirweynaha culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayo arrimo muhiim ah oo quseeya diinta iyo dalka Soomaaliyeed ayay culimadu tilmaameen in shirkan laga rajaynayo inuu xal u noqdo wax badan oo horay aan guulo looga gaarin.
Sheekh Aadan Suufiyare oo ka mid ah culimada madashan ka qayb galaya ayaa sheegay in shirweynaha culimada Soomaaliyeed loo qabtay uu guul weyn u yahay dowladnimada dalka, jiritaanka umadeed iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in tallaabo mid taariikhi ah uu midnimo iyo isku duubni laga dhaxli doono.
Sheekha ayaa sheegay in fikirka khaldan ee ay aaminsan yihiin Shabaab lagu ciribtiri karo kali ah, marka la helo midnimada culimada, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Shirweynaha culimada Soomaaliyeed ayaa maalinkii labaad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaana maanta diiradda lagu saaray sharciyada dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Qaar ka mid ah culimada madasha ka qaybgalaya ayaa ka sheekeeyay sharciyada dagaalka Shabaabka lagula jiro.

Sheekh Muxudiin Yuusuf Barre ayaa dhankiisa sheegay in la macaamilka kooxaha uu ku tilmaamay argigixisada ay tahay kaalmeyn lagu tageerayo dambiga ay ku jiraan urukan.
Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay guud ahaan in baaritaan lagu sameeyo qeexitaanka waxa ay dhab ahaan Shabaabku yihin.